Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Halka Kuuriyada Waqooyi ka hesho lacagta ay gantaallada ku sameysato oo la ogaaday

Sida ay Qaramada Midoobay ku sheegtay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadeeda sameynta gantaallada ee uu kharashka badan ku baxo.

Baareyaasha ku howlanaa arrintan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhaxeysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka.

Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.

Waxaa lasoo tabiyay in xogtaas maalintii Jimcada lagu wareejiyay Guddiga qaabilsan arrimaha Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay.

Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsaday ugu yaraan saddex meelood oo ku kala yaalla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.

Warbixintu waxay sidoo kale soo xigatay daraasad la daabacay bishii lasoo dhaafay oo ay sameeyeen khubarada shirkadda amniga ee Chainalysis, taasoo muujisay in weerarrada dhinaca internet-ka ee ay sameysay Kuuriyada Waqooyi lagu qaatay lacag nooca digital-ka ah oo dhan $400 oo milyan oo doolar, sanadkii lasoo dhaafay.

Qaramada Midoobayna waxa ay ku sheegtay mid ka mid ah warbixinnadeeda la daabacay 2019-kii in Kuuriyada Waqooyi ay dhaca internet-ka ku heshay lacag dhan labo bilyan oo doolar oo ay ku maalgelisay sameynta hubkeeda wax gumaada.

Source BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay Baaq dhif iyo naadir ah oo kasoo yeeray Jabhada TPLF

Cabdi Cade

Taliyihii Ciidanka Booliska Goldogob oo la dilay iyo ragii dilay oo la xiray

Cabdi Cade

Ikraan Tahliil hooyadeed: “Waa wax laga xumaado talaabada uu qaaday Farmaajo”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---