Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxaa ka jira in Itoobiya dalku-galka u diiday wafdi ka socday Somaliland?

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo ka mid ah Golaha Wakiillada Puntland, lagana soo doorto gobolka Sool ayaa sheegey in madax ka tirsan Somaliland loo diiddey dal-ku-galka Itoobiya.

Madaxdan ayuu sheegay iney doonayeen ka qeyb galka shirka Midowga Afrika afrika ee ka socda Addis ababa.

“Dawladda Itoobiya ayaa diiddey dalab Visa dal-ku-gal oo ay weydiisteen wefti ka socda Maamulka Somaliland, kaasoo ay ku  doonayeen in ay ku tagaan magaalada  Addis Ababa oo uu ka socdo shirka midowga Afrika Midowga Afrika, waxaana ujeedada safarkaasi uu ahaa  in ay  dadkooda usoo tebiyaan warar aan jirin oo ah in ay ka qayb galeen laguna casuumey shirka AU”. ayuu yiri Xil.Saadiq Garaad.

Ma jiraan warar madax banaan oo arrintan xaqiijinaya ama beeninaya, Maamulka Somaliland iyo dowlada Itoobiyana kama hadlin arritan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo goor dhow ka dhacay Magaalada Baydhabo iyo rasaas laga maqlayo

Caydiid Ali

Nin qasaariyay Daraasad qarash badan ku baxay oo in ka badan 20-Sanno la diyaarinayay

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo gudbisay warqad dacwad oo ka dhan ah Tedros Adhenom

Cabdi Cade
Taboola Ads ---