Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso: Toban arrimood oo ku saabsan Xogta iyo Xaqiiqada sida loo sii daayay Cabdikariim (Qalbi Dhagax)

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ka tirsanaa jabhada ONLF ayaa maalmo ka hor laga sii daayey xabsiga, waxayna sii deyntiisa weji gabax ku noqotay dowlada Somalia oo horey ugu gacan gelisay Itoobiya.

Haddaba hoos ka akhriso toban arrimood oo ku xeyn daaban sii deyntiisa;-

1-Markii dawladda Soomaaliya ay dhiibtay Qalbi-dhagax 28 agoosto 2017, ma jirin wax codsi qoraal ah oo dowladda Itoobiya ay u soo samaysay, mana jirin warqad eedeyn ah (prosecution) amaba warqad soo qabasho ah (Warrant of Arrest) maadaama arimaahaas aysan jirin falka ku dhaqaaqday dowladda Soomaaliya wuxuu noqonayaa afduub.

2-Dowladda Itoobiya Qalbidhagax ma gaynin xabsi, loomana gudbinin maxkamad ee waxaa lagu hayay (safe house) ama guri ay leeyihiin Nabad sugidda Itoobiya.

3-Markii uu billowday isbeddelka Itoobiya, gaar ahaan xilka qaadistii taliyaha Nabad-sugidda Itoobiya, ayey ciidamadii hayay Qalbi-dhagax waxay gaysteen meel qarsoodi ah, si aanay maamulka cusub uga war helin.

4-Qaraabada Qalbi-dhagax iyo hay’adaha xuquuqul Insaanka ayaa toddobaad ka hor la kulmay RW Abiy Axmed, kana codsaday in la sii daayo Qalbi-dhagax. Waxaase yaab noqotay in la waayay meel jaan iyo cirib la geeyey, iyadoo dabagal badan ka dib dowladda Itoobiya ay soo ogaatay meesha lagu qarsaday Qalbi dhagax.

5-Maalintii Talaadada 19/6/2018, ayey ciidamada nabadgelyada Itoobiya soo heleen Qalbidhagax, RW Axmed Abiy, wuxuu u yeeray Qaraabadii Qalbi-dhagax iyo kooxihii Xuquuqul Insaanka, wUxuuna ku wargeliyay in degdeg loo sii daynayo Qalbidhagax, si sharci darro ahna lagu soo xiray, wax dambi ah oo loo haystana aysan jirin.

6-Dawladda Farmaajo ayaa maalintii Arbacada 20/6/2018, ka war heshay sii deynta Qalbi-dhagax, waxayna la xiriireen dowladda Itoobiya, iyagoo ka codsanayo inaan la sii dayn Qalbidhagax, maadaama ay arintaas ay iyaga weji gabax ku noqoneyso horeyna ugu dareen liiska argagixisada.

7-Dowladda Itoobiya waxay u sheegtay dowladda Farmaajo in ONLF aysan ahayn argagixo, todobaadka dambana uu wafdi heer sare ah oo ONLF imaanayo Addisababa, sidaa darteed aysan suurtogal aheyn in Qalbi dhagax xabsiga lagu sii hayo.

8-Intii Qalbidhagax la dhiibay kadib waxaa Addisababa isaga daba noqonayay madaxda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Farmaajo oo laba jeer tagay, RW Khayre oo laba jeer tagay, Wasiir Axmed Cawad oo afar jeer tagay iyo Fahad Yaasiin oo hal mar tagay. dhamaantood marna kama aysan hadlin arrinta Qalbi-dhagax. Nasiib darro Fahad Yasiin oo ah qofka ugu garashada dheer akhyarta arrintan ayaa labadii maalmood oo la soo dhaafay xiriiro kala duwan la samaynayay Itoobiya si aanan loo sii daynin Qalbidhagax, maadaama ay wax wayn u dhimayso jiritaanka dowladda Farmaajo.

9-Maalintii Khamiista 21/6/2018, ayey dowladda Itoobiya Qalbi-dhagax ku wareejisay Qoyskiisa iyo hay’ad xuquuqul insaan ah, sidoo kalena u ballan qaadday in magdhow laga siin doono dhibkii gaaray intii Itoobiya lagu hayay. Kooxda Villa Soomaaliya oo uu ugu horreeyo Fahad Yasin ayaa billaabay inay la xiriiraan qaraabada Qalbi-dhagax isagoo ua sheegay in Xasan Khayre uu yahay qofka dhiibay markii hore, haddana ka shaqeeyay inaan la sii daynin. laakiin Qaraabada Qalbi-dhagax way ku gacan sayreen oo waxay u sheegeen in Farmaajo uu iska leeyahay mas’uuliyadda oo dhan.

10- Villa Soomaaliya ayaa waxaa soo wajahay cabsi la xiriirta in Qalbi-dhagax uu yimaado Xamar, taasoo dhalin karta kacdoon ay khatar gelin kara dowladda, Murugadaa waxaa la qabo Villa Somaaliya, Sambalooshe oo ka qayb qaatay dhiibistiisii, Cabdi Saciid la taliyaha amniga qaranka oo xilligaa u shaqaynayay jawaasiis caalami ah, xildhibaanada : Goodax, Xuseen Iidow, Jeesow, Sagal Isaaq iyo Cabdishakiur Cali Mire oo si aan gabasho lahayn u taageeray dhiibista Qalbidhagax. raggan qaarkood waxay bilaabeen dhuumasho maadaama ay galeen dakano shakhsi ah.

Dr :Ali Hussein Barqad
Adis ababa-Ethopia
Ahbarqad99@gmail.com

Afeef :Aragtida Qoraalkaan Waxa ay gaar u tahay Qofka ku Saxiixan,Kamana Turjumayso Tan Allbanaadir Online ,Allbanaadir Online waa Mareeg dhax dhaxaad ah Qof kastana ku soo gudbin kara Ra’yigiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/_TFvF1DwPWw

Related posts

Dagaalkii Itoobiya oo xoogeystay & Magaalooyin ciidanka dowlada laga qabsaday

Caydiid Ali

(Daawo) Xassan Shiikh oo khudbad xasaasi ah u jeediyey shacabka

Caydiid Ali

Ergayga Garka ah ee Madaxweynaha JFS oo fariin qoraal ah u gudbiyay Axmed Abul Gheit

Cabdi Cade