Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Madaxweynaha Hirshabelle oo saakay kusii jeeda Baladweyne iyo Xiisad halkaasi ka jirta

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirsahabelle iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada federaalka saakay oo axad ah kusoo jeedaan magaalada Baladweye ee caasimadda gobolka Hiiraan.

Safarka Cali Guudlaawe uu ku tagayo magaalada Baladweyne oo marar badan fashilmay ayaa saakay wararku sheegayaan in uu tagayo si uu u fuliyo qorshihiisa tagitaanka Baladweyne kahor doorashada gollaha shacabka ee magaaladaasi ka dhaceysa.

Ciidamo badan oo isugu jira kuwa dowladda federaalka dhawaan geesay magaalada Baladweyne iyo ciidamada Hirshabelle ee horey u joogay magaaladaasi ayaa lasoo dhoobay xaafadaha kala duwan ee Baladweyne.

Dhaq dhaqaaqa magaalada Baladweyne ayaana saakay xadidan , waxaana magaalada sidoo kale laga dareemayaa xiisad, iyadoona laga cabsi qabo in rabshado ka dhacaan hadii uu gaaro Madaxweynaha Hirshabelle.

Shacabka ku dhaqan magaalada aladweyne ayaa si weyn u diidan maamulka uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe, waxa ayna marar badan fashiliyeen qorshe uu magaaladaasi ku tagi lahaa iyaga oo dhigay banaan baxyo rabshado watay.

Waxii warar kusoo kordha safarka Cali Guudlaawe kala soco wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=yVc4ttxpHHw

Related posts

Natiijada Ciyaartii ugu horeysay ee lagu furay Koobka Kubadda Cagta Aduunka (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaarihii hore oo si adag uga hadlay hab dhaqanka Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Cali Maxamed Cali oo la soo taagay Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada ICC

Caydiid Ali
Taboola Ads ---