Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa laga helay xanuunka dunida asiibay ee COVID-19
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Erdogan ku sheegay in laga helay cudurka Coronavirus.
Wuxuu intaa ku daray in xaaskiisa Emine Erdoğan iyana laga helay cudurka Covid-19, isagoo tilmaamay in xaaladooda ay aad u degan tahay.
Erdogan ayaa ku sheegay qoraalkiisa inuu gurigiisa isku karantiilay uuna halkaas ka sii wadi doono shaqadiisa iyo waajibaadka saaran.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com