Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad ka tirsan Yurub oo Maxkamad soo taagtay rag u basaasayey Sacuudiga

Saddex xubnood oo ka tirsan kooxda mucaaradka Iran ayaa lagu helay dembi ah inay u basaasayeen Sacuudiga ka dib markii la soo taagay maxkamad ku taalla Denmark.

Madaxa hay’adda sirdoonka ee dalka Denmaak Finn Borch Andersen, ayaa ka digay, in aanay aqbali doonin, in dawladaha ay khilaafyadooda keenaan dalkiisa.

Raggan ayaa waxa xiray Booliisku waxayna ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa halganka Carabta ee xoraynta Ahvaz ee Sacuudigu taageero.

Dambi ah maalgelinta kooxda (Mohiuddin Nasser) ayaa sidoo kale lagu helay raggan iyagoo taageerayay garabkeeda hubaysan ee ka dagaalanta dalka Iran.

Iran ayaa Kooxdan u aragta urur argagixiso oo hubaysan waxayna fuliyeen dhowr weerar oo rabshado wata oo uu ka mid yahay weerar ay ku qaadeen dhoolatus militari oo ka dhacayay magaalada Ahvaz ee koofurta galbeed sanadkii 2018 kaasoo ay ku dhinteen 24 qof.

Waxaa suurtagal ah saddexda nin lagu xukumo xabsi ilaa 12 sano ah iyo in laga musaafuriyo dalka Denmark.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo Qaabiley Ole Thonke iyo Waxyaabihii ay kawada hadleen

Cabdi Cade

Saacad Duug ah uu lahaa Mahatma Gandhi oo lacag qaali ah lagu iibsaday !! (Sawirro)

Cabdi Cade

Madasha xisbiyada Qaran oo digniin ka soo saartay Xaalada uu ku sugan yahay dalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---