Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Daawo Sawirada)

Taliska milatariga gobolada Jubooyinka ayaa deegaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubada Hoose waxa ay kusoo bandhigeen Sargaal katirsanaa Al Shabaab iyo askari ilaalo u ahaa oo isku soo dhiibay ciidanka dowlada.

Taliyaha ururka 58, guutada 11 ee qeybta 43 ciidanka xoogga dalka, C/fitaax Ibraahim ayaa Warbaahinta u sheegay in sargaal katirsanaa Al Shababa iyo askari ilaalo u ahaa ay isku dhiibeen kadib weerar ay ku qaadeen deegaanka Xaaji Muuse.

Sargaalka Al Shabaab kasoo geestay oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi ayuu sheegay Taliyaha in Al Shabaab u qaabilsaana deegaanka Xaaji Muuse oo kuyaala Duleedka Kismaayo.

Cali Cabdullaahi ayaa sheegay in Al Shabaab uu kamid ahaa mudo 8-sano ah hadana uu go’aansaday in uu kasoo baxo , waxa uuna cafis weydiistay shacabka gobolada Jubooyinka isagoona balan qaaday in uu diyaar u yahay la shaqeynta ciidanka dowlada.

Ciidanka Xooga Soomaaliya iyo Ciidanka Jubaladda oo garab ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa mudooyinkan howlgalo ka waday deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Denmark oo ansixiyay sharci lagu mamnuucayo arrin Muslimiinta dhibsadeen

Cabdi Cade

Aqalka Cad oo War kasoo saaray Xasuuqii xalay ka dhacay Isbitaal kuyaalla Gaza

Cabdi Cade

Dowladdii ugu horeysay oo gurmad deg deg ah u soo dirtay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---