Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Iska horimaad ka dhacay magaalada Garawe iyo faah faahino kasoo baxaya

Waxaa xalay saqdii dhaxe magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland laga maqlay rasaas xooggan oo cabsi badan ku beertay dadka ku dhaqan magaaladaasi oo inta badan xilligaasi hurdayay.

Sida aan wararka ku helnay iska horimaadka ka dhacay magaalada Garawe ayaa dhax maray ciidamo katirsan booliiska magaalada Garawe iyo koox hubeesan oo la sheegay in ay ahaayeen cabtoy.

Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Ilyaas Isaaq Maxamuud, ayaa warbaahinta u sheegay in iska horimaadka ka dhacay Garawe uu dhax maray ciidamo roondo ku jiray iyo kooxo cabtoy ah uu tilmaamay in ay hubeesnaayeen.

Waxa uu sheegay taliyaha in aysan khasaaro nafeed ka dhalan iska horimaadka xalay ka dhacay magaalada Garawe, waxa uuna ku hanjabay in tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha khamriga magaalada ku iibiya iyo kuwa ku dhax caba.

Magaalada Garawe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana magaalada oo hada ka socdaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka si weyn loo sii adkeeyay ammaankeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=yVc4ttxpHHw

Related posts

Abuu Mansuur oo qol isku soo xiray Cuntadana diiday iyo xaaladiisa oo laga deerinayo

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey guddi ka kooban Shan xubnood (Magacyada)

Caydiid Ali

Seynisyahan nolosha nacay oo nafta lagu dhaafiyey Isbitaal ku yaalla Switzerland (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---