Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Kiki Gbeho (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta kulan la qaatay ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Arimaha Soomaaliya Kiki Gbeho.

Madaxweynaha Iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay saameynta baahsan ee abaartu ku yeelatay deeganada iyo dadka reer Galmudug iyo sidii gargaar degdeg ah loola soo gaari lahaa dadka iyo duunyada ay saameysay.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale kala hadlay Kiki Gbeho arrimaha doorashooyinka xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socota dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay wakiillo katirsan Beesha Caalamka iyo masuuliyiin kala duwan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar shaqo ku tagay dalka Brundi (Sawirro)

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Midowga Afrika oo fariin xasaasi ah u soo diray madaxda Soomaalida

Caydiid Ali

Maxkamada G/Banaadir oo amartay xariga Taliyaha Booliska Garoonka Aadan-Cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---