Gaari ay la socdeen dad shacab ah ayey saaka Miino kula qaraxday degaan ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.
Gaariga oo ahaa nooca basaska ee Soomalida u taqaano Homeyda ama caasiga ayay miinada nooca dhulka lagu aaso qabsatay xilli uu marayay degaanka Gaabo-gabdhoole ee ku dhow degaanka Cabdi dhoore ee duleedka Kismaayo.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxasi ay ku dhinteen inta badan dadkii Shacabka ahaa ee Gaariga saarnaa, waxaana jira dad dhaawacmay oo la geeyay Magaalada Kismaayo.
Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa ku eedeeyay in qaraxaas ay ka dambeeyaan Al-Shabaab , inkastoo kooxdan aysan weli kahadlin eedeymahan.
https://www.youtube.com/watch?v=e6njH4RN1vM