Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo safar dibeda ah u ambabaxay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa kaga qayb galayo Addis ababa meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

National Anti-Oppression Party Criticizes Presidential Decision on Election Committee

admin

Is qabqabsi ka dhashay Magaca Xisbiga uu Gudoomiyaha ka yahay Xasan Sheekh

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Labo Musharax oo isugu soo haray Doorashada Kursi ka banaan Aqalka hoose oo Jowhar ka socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---