Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ilmo ku xaniban gunta Ceel uu ku dhacay & dedaal samatabixin ah oo socda (Sawirro)

Waxaa si xowli ah u socda dadaalo lagu soo badbaadinayo canug yar oo ku dhacay Ceel biyood u dhow magaalada Shefshawan ee dalka Marooko.

Rayaan oo shan sano jir ah, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku ciyaarayay meel u dhow ceelkaasi oo ku yaal magaalada waqooyiga ku taal ee Tamrout, oo 100km u jirta Shefshawan.

Waxaa la rumaysan yahay inuu ku dhacay ceel dherarkiisu lagu qiyaasay ilaa 32 miitir kaasoo la sheegay in afkiisa uu aad ciriiri u yahay.

Kumannaan kun oo qof ayaa baraha bulshada kala socda muuqaallada gurmadka loo sameynayo wiilkan, waxaana goobta isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan.

Afhayeenka dawladda Marooko Mustafa Baitas ayaa xalay sheegay in dedaalada lagu badbaadinayo wiilkaasi yar ay haatan marayaan meel fiicaan isla markaana la filayo in goor dhow bannaanka loo soo saaro.

Muuqaal lagu soo duubay kaamiro loo dhaadhiciyay gunta ceelka ayaa muujinaysa in wiilkan yar uu weli nool yahay oo uu miyir qabo, inkastoo ay ka muuqdaan dhaawacyo fudud oo madaxa ah.

Waxaa wiilkaas loo dhaadhiciyay qalabka neefsiga ee Ogsijiinka, cunno iyo biyo, waxaana sidoo kale goobta ku sugan koox hawlwadeenno caafimaad ah oo diyaar u ah in ay daweeyaan wiilkan isla marka ceelka laga soo saaro. Sidoo kale waxaa goobta soo gaaray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah wiilkaasi si loo geeyo isbitaalka marka laga soo saaro ceelka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=e6njH4RN1vM

Related posts

Qasriga Madaxtooyada Puntland oo lagu soo dhaweeyay Ms Elin Bergithe (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Rooble oo qaaday talaabadii 1aad ee lagu soo afjarayo khilaafkii DF & Jubbaland ee Gedo

Caydiid Ali

Weerar loo adeegsaday gaari qaraxyo laga soo buuxiyey oo ka dhacay Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---