Baarlamanka dalka Turkiga ayaa ansixiyay mooshin ogolaanaya in ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya loo kordhiyo waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.
Waxay isku raaceen in inta laga gaarayo 10-ka Feberaayo 2023 ay ciidamadooda ku sugnaadaan Soomaaliya.
Madaxtooyada Turkiga ayaa ka codsatay baarlamaanka dalkaas muddo kordhinta Ciidamada Turkiga ee ku sugan Gacanka Cadmeed, badda iyo xeebaha Soomaaliya.
Hawlgalka ciiddamada Turkiga ayaa ku ekaa ilaa bishan Febraayo 10, 2022-ka.
Turkiga ayaa kamid ah dalalka ciiddamo ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka qaataan tababarada ciidamada Soomaaliya.
Waa markii 14-aad ee Ankara ay kordhiso joogitaanka guud ahaan ciidamadeeda gacanka cadmeed tan iyo markii ugu horeysay ee uu meelmariyay baarlamaanka sannadkii 2008-dii.
https://www.youtube.com/watch?v=e6njH4RN1vM