Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maraykanka & Britain oo balan-qaad u sameeyey Madaxweyne Qoor-qoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta magaalada Muqdishu kula la qaatay Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo diblomaasiyaantaan ayaa ka wada hadlay xaaladihii u danbeeyay ee abaaraha baaxadda leh ee saameeyay guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna xaaladaha bini’aadanimo ee ka dhashay saameynta abaaruhu u geysteen dadka iyo deegaanka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa baaq u gudbiyay guud ahaan beesha caalamka, kaasoo ku saabsan sidii abaaraha wax looga qaban lahaa.

Danjiraha Dowladda UK iyo Danjire xigeenka Dowladda Mareykanka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka war hayaan abaaraha ka jira dalka ayna labada dowladood diyaar u yihiin iney gacan ka geystaan samata bixinta dadka iyo duunyada ay abaaruhu saameeyeen.

Related posts

Orodyahan Dunida Caan ka ah oo ku biiraya Dagaalka ka socda Dalka Itoobiya

Cabdi Cade

Madaxweyne Ibrahim Keita oo maalmo badan kadib xabsiga laga sii daayay

Cabdi Cade

Dowlad shaacisay in diyaarado nuuca dagaalka ah usoo direyso Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---