Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

DEG DEG: Ciidanka gaarka ah ee Maraykanka oo howlgal ku dilay hogaamiyihii Kooxda Daacish

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in weerar ay ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ka fuliyeen waqooyi-galbeed Suuriya ay la beegsadeen hoggaamiyaha dowladda Islaamiga ah

“Mahadsanidiin xirfadda iyo geesinimada ciidamadeena qalabka sida oo beegsaday goob uu ku sugnaa Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi oo ahaa hoggaamiyaha kooxda ISIS, dhammaan ciidamada Mareykanka waxay si nabad ah uga soo laabteen howlgalka,” ayuu Biden ku yiri hadal uu soo saaray..

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Mareykanka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in al-Quraishi lagu dilay weerarka.

Kadib dilkii Abuu Bakar al-Baghdadi oo ahaa aasaasihii dowladda Islaamiga bishii Oktoobar 2019, kooxdu waxay beddelkiisa u magacawday al-Quraishi, waa nin Ciraaqi ah oo mar lagu hayay xabsiga Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar oo mar kale garab istaagtay Soomaaliya iyo DFS oo ka mahadcelisay

Cabdi Cade

Madaxweyne Muuse Biixi oo cafis u fidiyay Boqor mucaarad ku ahaa

Cabdi Cade

Dalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub oo dooratay Guddoomiye & ku-xigeen (VIDEO NEWS)

admin
Taboola Ads ---