Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo dalka kusoo laabtay iyo Waxyaabihii uu Madaxda Imaaraadka kala hadlay oo la shaaciyay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal Afar cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.
 
Rooble ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusoo Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed, Wasiiro katirsan Xukuumadda, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada federaalka.
 
Ra’iisul Wasaaraha oo intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas ayaa socdaalkiisu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo kkuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo sameenaya Qaliino iyo Daaweyn kala duwan oo Muqdisho imaanaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Sanduuqa dhismaha Nabadda Soomaaliya oo lagu bixinayo 30-Milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo Cadale kula afuray Madax & Saraakiil (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---