Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Arday si xun loogu ciqaabay in uu cunay Jabaati iyo carro xoogan oo ka dhalatay

Warbaahinta dalka Kenya ayaa si weyn u hadal haya sheekada wiil 13-sano jir arday ah oo si xun loo ciqaabay loona garaacay, kadib markii uu si xatooyo ah cunay shan xabo oo Jabaati ah uusan laheyn .

Ardaygan oo dhigta iskuul kuyaala magaalo xeebeedka Mombasa ayaa la sheegay in uu cunay shan xabo oo jabaati ah, waxaana arday walba oo iskuulka dhigta la sheegay in uu xaq u leeyahay hal xabo oo jabaati ah balse ardaygan cunay ilaa shan xabo.

Macalimiinta iskuulka ayaa la sheegay in ardayan cunay jabaatiga si xun ugu garaaceen tubbo, hasa ahaayee macalimiinta ayaa inkiray in iyagu garaaceen ardayga waxa ayna eeda falkaasi dusha ka saareen ardayda iskuulka.

Muuqaallo ay baahiyeen warbaahinta dalka Kenya laguna arkay baraha bulshada ayaa muujinaya ardayga oo jiifa isbutaal ayna jirkiisa ka muuqdaan mad madowga iyo dhibaatada kasoo gaartay tubbada lagu garaacay.

Waalidiinta ardaygan sida xun loo ciqaabay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in iskuulka aysan ku soo wargelin dhacdada wiilkooda loo ciqaabay ilaa todobaad ka dib uu wiilkooda aad u xanuunsaday isbitaalna la dhigay.

Dhakhaatiirta isbitaalka lagu daweenayo ardaygan ayaa dhankooda sheegay in wiilka uu dhaawac halis ah kasoo gaaray dhanka kilyaha iyo xubnaha taranka oo si xun looga garaacay.

Dhacdadan ayaana carro badan ka abuurtay gudaha dalka Kenya, waxaana si deg deg ah loo xiray iskuulka uu falkan ka dhacay, masuuliyiinta waxbarashada deegaankaasi ayaana sheegay in ay baarayaan kiiska ardaygan iyo cida ka dambeesay garaacistiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=VYLcbINBeZE&t=3s

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Asmara (Asmara)

Cabdi Cade

Xildhibaan Saabir ” Farmaajo waxa uu xilkiisa ku weyn karaa Weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur

admin

Dil caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino kasoo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---