Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo kala duwan la qaatay wakiilo katirsan beesha Caalamka oo jooga Muqdisho.
Laftagareen ayaana siyaabo kala duwan ula kulmay Safiirka dowlada Ingiriiska u fadhisa Soomaaliya Kate Foster iyo Safiir ku-xigeenka Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaana safiiradan uu la kulmay kala hadlay arrimo dhoor ah oo kamid yihiin arrimaha doorashooyinka ka socda maamulka Koonfur Galbeed iyo sidoo kale abaaraha.
Laftagareen ayaana wakiiladan beesha caalamka warbixin ka siiyay sida ay ku socdaan doorashada gollaha shacabka, waxa uuna cadeeyay in maamulkiisa diyaar u yahay in doorashada kusoo gabagabeeyo waqtiga loo qorsheeyay.
Wakiilada beesha caalamka ayaana soo dhaweeyya dardarta ay doorashada ku socoto, hasa ahaatee waxa ay saluug ka muujiyeen habka musuqa maasuqa ah ay ku socdaan doorashooyinjka gollaha shacabka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=VYLcbINBeZE&t=3s