Waxaa wali xiisad dagaal ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana gacan ku heynta deegaankaan iyo guud ahaa gobolka Sool isku haya maamulada Somaliland iyo Puntland.
Colaada ka aloosan deegaanka Tukaraq ayaa sababtay in deegaankaasi iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw dadkii deganaa ay isaga barakacaan, waxaa sidoo kale colaadan dhibaato kasoo gaartay dad shacab ah.
Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in xiisada dagaal ee ka jirta deegaanka Tukaraq ay sababtay in ay bakaracaan dad ka badan 12 kun oo qof.
Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee isku horfadhiya degaankaasi ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu yiri keeni karta qalalaase bani’aadminnomo oo laga baaqsan karo.
Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa wali isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana wali jirta cabsi laga qabo in ciidamadaasi ay xili walbo isku dhici karaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com