Askari ka tirsan ciidamada Zambia ah ayaa mutaystay dalacsiin iyo amaan ka dib markii uu caawiyay haweeney uur leh oo ilmo ku umushay beer galley ah dhexdeeda.
Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Humphrey Mangisani ayaa loo dalacsiiyay sababo la xiriira geesinimadiisa.
Arrintan ayaa todobaadkii hore ka dhacday degmada bari ee Petauke, ee dalka Zambia taas qabsatay bogagga hore ee warbaahinta.
Mangisani ayaa sheegay in loogu yeeray si uu u caawiyo haweeneyda oo foolanaysay. Waxaana uu abaabulay mooto lagu geeyo Isbitaalka ka dib isagii ayaa ka dabaqaatay mooto kale balse fooshii ayaa haweeneyda si degdeg ah ugu korodhay oo waxay ku qasbanaadeen inay iska dhaafaan mootooyinka, waxayna ku leexdeen beer galley ah oo ku taalla waddada hareerteeda halkaasoo ay ugu dambeyn ku umushay
“Waxaan si degdeg ah u helay sakiin oo iga caawisay inaan ku gooyo xuddunta. Roob baa da’ay markay umuleysay. Si degdeg ah ayaan markiiba canugii ugu qaaday isbitaalka, hooyaduna way daba socotay,” ayuu Humphrey Mangisani oo Dhinaca kale canaan la kulmay maadaama uu ka maqnaa xerada ciidanka fasax la’aan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=OmzK7b1jD5I&t=240s