Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Nin sheegtay in uu yahay Nabi uu waxyi kusoo degay oo xabsi la dhigay

Ciidamada ammaanka dalka Lubnaan ayaa xabsiga dhigay nin sheegtay nabinimu sidoo kale sheegay in uu waxyi kusoo degay, waxaana ninkan sheegashadiisa carro badan ka abuuray gudaha Lubnaan .

Ninkan sheegtay nabinimada oo lagu magacaabo Nashat Mounzer, ayaa kasoo muuqday baraha bulshada kuwada xiriirto muuqaalo isagoo sita qori alwaax ah, wajigana rinji looga xardhay.

Culimada dalka Lubnaan ayaana bayaan ay soo saareen waxa ay ugu baaqeen dowlada in tallaabo deg deg ah ka qaado ninkan sheegtay nabinimada ayna waajifiyaan shareecadda Islaamka.

Ma cadda aqoonsiga iyo dhalashada Nashat Mounzer, inkastoo ay jiraan warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegaya in uu durbaan ka garaacayay goob qamaarka lagu ciyaaro oo ku taal Lubnaan.

Dalka Pakistan ayaa sanadkii 2020-ka gudaha maxkamad kutaalla magaalada Peshawar waxaa lagu dhax dilay nin sheegtay in uu yahay nabi, waxaana dilkaasi sheegtay koox islaami ah oo ka dagaalanta dalka Pakistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirada A/Gudaha Germany oo si cad ugu xad gudubtay amarkii dowlada Qatar (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidankii ku sugnaa Isgooska Siinay oo Xabsiga la dhigay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Cabdi Cade

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo loo doortay Xildhibaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---