Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Musharax shalay Kooxo hubeesan weerareen oo goordhaw loo doortay Xildhibaan

Magaalada Garawe ee caasimadda Puntland waxaa maanta ka socota doorashada Xildhibaano kamid noqonaya gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana halkaasi lagu dooranayaa ilaa lix Xildhibaan.

Doorasho goordhaw ka dhacday magaalada Garawe waxaa ku guuleestay musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere) oo helay 91-cod halka musharaxii la tartameysay Ruwayda Maxamud Maxamed heshay hal cod kaliya.

Ninkan goordhaw loo doortay Xildhibaanka ayaa shalay lagu weeraray magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, waxaana weeraray maleeshiyaad kasoo horjeeday kursiga musharaxan sida gaarka ah loogu xiray.

Doorashada ka socota magaalada Garawe iyo magaalooyinka kale ee dalka ayaa u muuqda kuwa xulasho ah aan doorasho aheyn oo kusoo baxayaan xubno si gaar ah loo wato oo kuraasta loo xirayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/OmzK7b1jD5I

Related posts

Mareykanka oo talo muhiim ah ka siiyay Israel duullaanka ay rabaan in Gaza ku galaan

Cabdi Cade

Darawal gaari Ambalaas ah ku qaaday Bulkeeti oo la ganaaxay !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Wararkii u dambeeyey howlgalo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---