Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

DEG DEG: Afgembi ka dhacay dalka Guinea & Madaxweynihii dalkaas oo la xiray

Sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya caasimadda dalka Guinea Bissau ee Bissau rasaas xooggan ayaa laga maqlay agagaarka madaxtooyada dalkaas xilli ay shir ku jireen Madaxweynaha dalkaas Cumaro Embalo iyo Ra’isul Wasaarihiisa Nuno Gomes Nabiam.

Hal askari ayaa la soo sheegayaa inuu ku dhintay rasaasta iyada oo ciidamoka tirsan milateriga ay hareereen ku sameeyeen dhismaha oo la arkayay dad ka cararaya.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya Madaxweynihii dalkaas iyo qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada la xiray, iyadoo loo badinayo in wadankaasi uu ka dhacay afgambi militery.

Xaalada Magaalada Bissau ayaa cakiran, iyadoo ciidamo ka tirsan milateriga lagu arkayo wadooyinka magaalada iyo hareeraha madaxtooyada Qaranka sida ay baahisay wakaalada wararka ee RUETERSL

Dalalka galbeedka Afrika ayaa waxaa ku soo badanayay bilahan afgembiga ay sameynayaan ciidamada milateriga, iyadoo dalka Guinea Bissau dalka afraad ee todobaadyo gudahood uu ka dhaco afgembi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo markii 3aad booqasho ku tagay Magaalada Asmara (Sawirro)

Caydiid Ali

Saraakiil badan oo katirsan Al Shabaab oo hal goob lagu dilay

Cabdi Cade

Dayuurad siday 121 dalxiiseyaal ah oo deg deg u fariisatay Mombasa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---