Dalka Tanzania oo haweeney ay tahay Madaxweyne ayaa gudoomiye baarlaman u doortay haweeney kale.
Dr. Tulia Ackson ayaa ku guuleysatay doorashada kursiga guddoomiyaha baarlamaanka dalka Tanzania, arrintaas oo bog cusub u fureysa waayaha siyaasadeed ee dalkaas
Waxa ay tartan loollan adag ah uga guuleysatay siddeed murashax oo kale, iyadoo heshay 376 cod, iyadoo noqoneysa haweeneydii labaad ee qabata guddoonka Baarlamaanka Tanzania.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili waddankaas ay Madaxweyne ka tahay haweeney kale oo lagu magacaabo Samiya Suluhu Xasan oo xilka qabatay bishii March ee sanadkii 2021-kii ka dib markii uu geeriyooday madaxweynihii dalkaas, iyadoo xilligaas madaxweyne ku xigeen ahayd.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com