Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Koox Hubeesan oo dhaawacday Musharax Xildhibaan oo beri la dooran lahaa loona xiray Kursi

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in dabley hubeesan weerareen musharax Xildhibaan oo lagu waday in beri lagu doorto magaalada Garawe.

Sida aan wararka ku helnay Musharax Xildhibaan Maxamed Faarax Nuur (Maxamed dheere) ayaa loo xiray kursiga tirsigiisu yahay HOP192 oo beri oo arbaco ah lagu waday in doorashadiisa ka dhacdo magaalada Garawe.

Musharaxa ayaa la weeraray xili uu soo qaatay shahaadada musharaxnimo, waxaana rasaas ku furay dabley hubeesan oo kasoo horjeeday in kursiga HOP192 si gaar ah loogu xiro musharaxan uu wato Madaxweyne Deni.

Rasaasta ay fureen dableyda ayaa la sheegay in dhaawac fudud kasoo gaaray musharaxa la weeraray ee Maxamed Dheere, waxaa sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacmay labo kamid ah ilaalada musharaxa.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa howlgal deg deg ah ay fuliyeen waxa ay kusoo qabteen qaar kamid ah dadka lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday laguna dhaawacay musharaxa Xildhibaan.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa xiligan u muuqata mid xulasho ah oo murasahaxa la wato si gaar ah loogu xirayo kursiga isaga oo horey usoo wadanaya malxiis u tanaasula.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=cQ5zzc2igdQ

Related posts

Wasaarada Owqaafta iyo Arimaha Diinta Soomaaliya oo goordhaw war soo saartay 

Cabdi Cade

Burcad-baddeed iyo Badmaaxiinta Afduuban oo wada cunteeya iyo Sahayda oo gabaabsi ah

Cabdi Cade

Kulane Jiis oo Maxkamad loo qalqaalinayo iyo doorashada Aqalka sare oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---