Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku riday lix dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen ururka Al Shabaab.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dhalinyaradan xukunka lagu riday kusoo oogay dacwado la xariira in Al Shabaab katirsanaayeen sidoo kale geestay falal isugu jira dil iyo dhaawac.
Maxkamadda ciidamada ee maamulka Puntland ayaa xukun dil ah ku riday afartan dhalinyaro ee kala ah Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xiris iyo Liibaan Aadan Muuse .
Waxa ay sidoo kale maxkamadda ciidamada ee Puntland 30-sano oo xabsi ah ku riday Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed isna maxkamadda ku riday 20-sano oo xabsi ciidan ah.
Xukunkan ay riday maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Gaalkacyo ayaa kusoo aadaya xili horey maxkamadda u fulisay xukuno dil ah kuwa kalana hada sugayaal fulinta xukuno dil ah ay ku riday maxkamadda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://www.youtube.com/watch?v=cQ5zzc2igdQ