Shaki iigama jiro inuu Farmaajo habow yahay oo cidlo aan ciirsi lahayn uu dhex taagan yahay, hankiisuna uu ku soo dhamaanayo baxsad, waxaanse shaki weyn ka qabaa Fahad oo ah marqaatiga nool ee Farmaajo meesha uu gabalku ugu dhacayo.
Sidoo kale waxaan ka sii yaabanahay Rooble waxa uu ku dambeyn doono iyo jihada uu naf la caarinimada la’aadi doono. Isbedel ayaa ka soo guuxaya jileyaasha daaha gadaashiisa siyaasadda Soomaaliya ka farogeliya, kuwaasoo hamuun weyn u qaba isbedel muuqda iney ku sameeyaan xaaladdii ay ku soo jirtey Soomaaliya tobankii sano oo u dambeeyey oo lagu guuldareystay isbedel siyaasadeed oo Soomaaliya ka dhaca.
Bartilmaameysiga isbedelka siyaasadeed waa mid soo afjaraya dhuumaashowga ay wada jilayaan Fahad, Farmaajo, iyo Rooble. Saameyntii Qatar iyo Turkey ay ku lahaayeen Soomaaliya waxaa bedelaya isbahaysiga Masar, Sacuudiga, iyo Imaraadka oo ay talowadaag kula yihiin Itoobiya, UK, iyo Mareykanka.
Saadaasha soo muuqata waa mid ay ku soo rogaal celinayaan saaxiibadii hore ee Soomaaliya oo gaashaanbuur ku wada ah ineysan gobolka saameyn weyn ku yeelan Ruushka iyo Shiinaha, isbedelkaas oo halis gelinaya rajada madaxdii hore ee Soomaaliya soo maamushay oo hadafkoodu hadda yahay iney mar kale dib ugu tartamaan xilka madaxweynenimada.
Waxaa jira digniino si hoose loo gaarsiinayo shaqsiyaad wax badan siyaasada ku soo tacbaday jirjiroolenimo ku saleysan murtadnimo siyaasadeed oo shisheeye uu dibeda ka hagayey.
Prof. Saciid Ciise MaxamuudÂ
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahnaÂ
Musharax Madaxweynaha Somalia
https://www.youtube.com/watch?v=WmfHtT_ORDE&t=357s