Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha Caalamka oo War ka soo saartay muranka doorashada ee ka taagan Somaliland

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in Somaliland, ay xaqiijiso iney dhacdo mustaqbalka doorashooyinka soo socda ee la filayo inay sannadkan dhacaan, iyo hanaanka la marayo.

Waxaa sidoo kale loogu baaqay wadahadal loo dhan yahay oo la isku afgarto in jadwalka doorashooyinka lagu qabto.

Waxaa sidoo kale muhiim ah bay yiraahdeen bayaanka ay maanta soo saareen Beesha Caalamka, in si waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Somaliland, la xaqiijiyo in doorashada ay ka dhex muuqdaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, marka laga hadlayo ka qayb galka dumarka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.

Beesha Caalamka ayaa bogaadisay doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka ee dhacey sanadkii hore ee 2021-ka.

Wufuud ka socota Beesha Caalamka, ayaa safar shaqo ku tagey Somaliland 24-kii illaa iyo 27-kii bishan Janaayo ee sanadkan 2021-ka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WmfHtT_ORDE

Related posts

Fartaag & Amiir oo xalay kormeer socod ah sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiiro katirsan Xukuumadda Rooble oo ku farxay guul-daradii Fahad Yaasiin mar kale la kulmay

Cabdi Cade

Ganacsade Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Laascaanood iyo Cabsi soo korortay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---