Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rooble oo Dubai kula kulmay Dhigiisa Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane  Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum

Waxay labada masuul ka wada hadleen xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga labada dal sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray shalay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kulammo kula yeelanayo madaxda ugu sarreysa  dalkaas.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal oo sanadahan mugdi ku jiray ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=WmfHtT_ORDE

Related posts

C/raxmaan Baadiyow oo ka hadlay Khilaafka Guddiga Dib u heshiisiinta Galmudug

Cabdi Cade

Toogasho dad badan lagu dilay oo ka dhacday Nairobi iyo Booliiska oo ka hadlay

Cabdi Cade

Gudoomiye Aadan Madoobe oo shir xasaasi ah ka furay Kismayo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---