Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dilal kala duwan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Waxaa sii kordhaya falalka amaan daro ee ka dhacaya qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaana saacadihii lasoo dhaafay labo dil ay ka kala dhaceen xaafado katirsan degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley.

Sida aan wararka ku helnay dilka koobaad ayaa ka dhacay xaafada Seybiyaano ee degmada Hodan, waxaana dilkaasi loo geestay askari katirsan aa ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutada Gorgor.

Askarigan ayaa la sheegay in la dilay xili uu ka baxay xero ciidan uuna kusii jeeday gurigiisa, waxaana kooxo biskoolado ku hubeesan ku dileen meel aan gurigiisa ka fogeen xili uu ka degay mooto bajaaj.

Dhinaca kale kooxo burcad ah oo toorey watay ayaa xaafad katirsan degmada Dharkeenley waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Khaalid Cabdixamiid Macalin Cali, burcada ayaana wiilkan dilka kadib horey uga sii qaatay moobeel uu watay.

Falalka ammaan daro ee isugu jira dilalka iyo dhaca ayaa mudooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana dilalkan imaanayaa xili dowlada ku mashquushay doorashada xildhibaanada gollaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo Shaaciyay in Doorashooyin toos ah ka dhacayaan Hirshabelle (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxda dalalka NATO oo isku khilaafay taageerada Israel

Caydiid Ali

Daawo:-Wadooyinka Xirnaa ee Garoowe oo mar qura lasoo buux dhaafiyay Kadib soo dhawaynta Madaxwayne Dani !!

admin
Taboola Ads ---