Allbanaadir.com
MUQDISHOMUUQAALONEWS

Maamulka Taliban oo Magangelyo siiyay Charlotte Bellis iyo sababta ka dambeysa

Haweeyney uur leh oo kasoo jeeda dalka New Zealand, ayaa loo diidey iney gasho dalkeeda, sababo la xiriira xayiraadaha cudurka safmarka ee Covid-19.

Charlotte Bellis oo ah weriye  ayaa ogaatey in iyada iyo lamaanaheeda oo ku sugan dalka Qadar dhawaan uu u dhalan doono ilmo yar.

Waa sharci darro in haweeney ay uur qaaddo dalka Qadar, iyadoo aaney aheyn xaas la qabo, markaa kaidb, waxey xareeyeen dal ku gal ay ugu ambabaxaan dalka New Zealand.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa loo sheegay inaaney dalka soo gali Karin sababo la xiriira xanibaadda cudurka safmarka ee Covid19,

Bellis ayaa kal hore kasoo shaqeysay dalka Afghanistan, waxayna wali heysatey dal ku gal aanan dhicin, sidaa daraadeed waxey ka codsadey Taliban iney Afghanistan timaado, iyagoo si farxad leh ugu soo jawaabey iney iman karto dalkooda.

Haweeneydan wariyaha ah, ayaa sanadkii hore su’aal galisay hoggaamiyeyaasha kooxdani iyo ciidankooda sida ay ula dhaqmi doonaan haweenka iyo gabdhaha.

Related posts

Dowladda oo lacag kiro ah ka rabta dad degan guryo ay leedahay amarna siisay Booliiska

Cabdi Cade

Xaaf oo mar kale dib ugu laabtay Dhuusomareeb uu safar deg deg ah uga baxay

Cabdi Cade

Booliiska Caalamiga ee Interpol oo 30-sano kadib Xafiis ka furtay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---