Cabdiraxmaan Cali Xuseen oo ka tirsanaa Alshabab ayaa isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Qeybta 60aad ee ku sugan Deeganka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Bay sida ay sheegeen saraakiisha taliskaas.
Ninkan ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ku jirey muddo ku dhow labo sano wuxuuna u qaabilsanaa dhanka Maaliyada.
Waxaa uu sheegey in sababta ku kaliftey inuu Alshabab ka soo baxo ay tahay Dhibaato iyo go’odoon ay ku hayaan shacabka degaanadaas qaarkood sida uu yiri.
Sidoo kale, maanta ayaa Cabdiraxmaan Qorigii uu kala soo goostey Al-Shabaab Taliska qeybta 60aad ee CXDS ugu Badashey Lacag
Wuxuuna Baaq u direy Saaxibadiisa kale ee ku Jira Alshabaab inay isaga soo tagaan ay isku soo dhibaan Ciidanka Dowladda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com