Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiir ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed oo geeriyooday & laftagreen oo ka hadlay

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, marxuum Abba awow Xaaji Suufi oo ahaa Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha K/Galbeed.

Laftagareen ayaa tilmaamay in Marxuumka naftiisa iyo waqtigiisaba uu huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isagoo ka soo qayb qaatay dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed xilliyo kala duwan.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Abba awow Xaaji Suufi oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha maamulka K/Galbeed” ayuu yiri Laftagareen.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Marxuumka Alle uga baryey inuu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Banaan bax balaaran oo ka dhacay Garawe iyo Shacabka oo caro xoogan muujiyay

Cabdi Cade

(Sawirro) God mucjiso ah oo lagu arkay woqooyiga dalka Chile iyo baaritaan bilowday

Caydiid Ali

Mahmoud Ahmadi Nejad oo Xabsi la dhigay iyo Faah faahino kasoo baxaya sababta loo xiray

admin
Taboola Ads ---