Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne 80 sano jir ah oo laga codsaday inuu xilka sii hayo ka dib markii..

Madaxweyne Sergio Mattarella ayaa laga codsaday inuu xilka sii hayo, kadib markii uu baarlamaanka waddankaas maalintii lixaad ku heshiin waayay musharraxa bedalaya.

Dalabkan ayaa ka yimid Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga, Mario Draghi

Mattarella oo 80 jir ah ayaa marar badan sheegay inuu doonayo inuu shaqada ka fariisto marka ay dhammaato muddo xileedkiisa la doortay ee todobada sano ah.

Hogaamiyayaasha xisbiyada Talyaaniga ayaa ku guuldaraystay inay ku heshiiyaan musharrax qura oo bedali kara Mattarella, inkastoo ay heshiis ku yihiin in xilkaas markii ugu horreysay taariikhda loo doorto qof dumar ah.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay in ra’iisal wasaaraha uu ka codsaday madaxweynaha inuu eego danaha qaranka uuna sii wado shaqada inta laga helayo qofkii shaqada ka bedeli lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=OjQDJSNuTpM

Related posts

Dowlada Hoose oo Muqdisho oo bixisay Dhul ay dhiseyso Hay’adda IOM (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirro) Boqol ruux oo ku dhintay musiibo ka dhacday gobolada Paradesh & Rajasthan

Caydiid Ali

Waa Maxay Sababta Muudey u baajiyay Kulankii Jawaari Xildhibaanada kula hadli lahaa?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---