Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo maanta ka duceystay qaar ka mid ah shacabka danyarta ah ee Muqdisho (Daawo Sawirro)

Adeegyo Caafimaad oo si bilaashka ah loogu sameynayey qaar ka mid ah dadka danyarta ah, looguna talo galay in lagu weyneeyo munaasabada 1-da luulyo ayaa maanta laga sameeyay dhowr goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dul istaagay dhakhaatiir iyo dhallinyaro mutadawiciin ah, oo gargaar degdeg ah u fidinayay shacabka danyarta ah, si uu ugu dhiirrigeliyo hawlaha samafalka ah ee ay u fidinayaan shacabkooda.

Goobaha adeegga loogu sameynayay dadkaan waxaa ka mid ah Taalada dajirka dahsoon Isbitaalka Martiini oo hoy u ah naafada xoogga dalka isgoyska KM4 iyo goobo kale kuwaasoo baaritaano loogu sameynayo dadka ka dibna daawooyin lagu siinayo.

Dadweynaha ayaa safaf ugu jiray inay helaan adeeggan caafimaad ee bilaashka ah, waxaana kooxo dhalinyaro kalkaalisayaal ah ay dadka si mutadawacnimo ugu fidinayeen adeegyada caafimaad iyo baaritaanada.

Waxaa adeegan si gaar ah uga faaiideystay dadka danyarta ah, sida Naafada iyo carruurta Darbiyo jiifka ay ka faa’ideysteen adeegyadan caafimaad ee bilaashka ah.

Adeegaan caafimaad waxaa ugu deeqday dadka madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo u wakiishay fulintiisa qaar ka mid ah dhaqaatiirta da’yarta ee jaamacadaha dalka.

Waxyaabaha kale ee ku cusub sanadkan Munaasabadda 1-da Luulyo ayaa waxaa ka mid ahaa in dadweynaha loo diyaariyay basas lagu soo qaado, iyadoo maamulka Gobolka Banaadir goobo kala duwan u cayimay inay dadweynaha basaska ka soo qaadaan, maadaama jidadka ay xirnaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/dAnf5qU4dSM

Related posts

Koox sameynaysey dokumentiyada been abuurka oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne Deni oo kormeeray Garoonka Cawaale iyo xarumo kale

Cabdi Cade

Jen. Xijaar oo soo saaray Wareegto xilka looga xayuubiyey Taliye saldhig Boolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---