Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-814/012022 uu ku magacaabay Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Somaliland.
Wareegtadan uu soo saaray Madaxweynaha Somaliland ayaa imaaneysa xilli xisbiyadda mucaaradka ee Waddani iyo UCID kasoo horjeedaan in la furo lana diiwaangeliyo xisbiyo cusub oo Siyaasadeed
Wareegtadda kasoo baxday Muuse Biixi ayaa u qorneed sida tan
Wareegto Madaxweyne.
UJEEDDO: MAGACAABID
MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 3aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2011;
Markaan Arkay: Qaraarka Maxkamadda Dastuurka ee Summaddiisu tahay MSD/DDL/01/2022, kuna taariikhaysan 16/01/2022;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Waxaan Go’aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo Guddida Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland:
1. Maxamuud Axmed Obsiiye Xubin.
2. Siciid Maxamed Cilmi Xubin.
3. Muxiyaddiin Yuusuf Ibraahim Xubin.
4. Aadan Geedi Qayaad Xubin.
5. Cabdalle Ibraahim Maxamed Xubin.
6. Mukhtaar Cabdi Jaamac Xubin.
7. Maxamed Xasan Cabdi Badde Xubin.
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com