Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Gantaalo lagu weeraray garoonka Baqdaad oo waxyeelo u geystay dayuurad rakaab ah

Ugu yaraan saddex gantaal ayaa ku dhacay garoonka caalamiga ah ee Baqdaad iyo meel u dhow saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka.

Mid ka mid ah gantaalada ayaa waxyeello u geystay mid ka mid ah dayuuradaha rayidka ah, sida ay sheegeen booliiska Ciraaq.

Ilaha booliisku ma sheegin khasaare kale ama dhaawac kale. Diyaaradda burburtay ayaa ahayd mid aan la isticmaali karin, waxaana iska lahaashirkadda diyaaradaha Iraq Airways, sida ay sheegeen.

Saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka oo loo yaqaano Camp Victory, waxa uu ku yaalaa agagaarka madaarka rayidka ee Baqdaad.

Weerarada gantaalada ah oo ay Maraykanka iyo qaar ka mid ah saraakiisha Ciraaq ku eedeeyaan kooxaha shiicada ah ee taabacsan Iran ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Maraykanka ee gobolka ayaa si joogto ah u garaacayay xarunta sanadihii u dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=1zi1gyXqbfM&t=118s

Related posts

(Sawirro) Shirkii Mucaaradka Puntland oo Magaalada Garowe ka furmay

Caydiid Ali

(Akhriso) Golaha dhaqanka SSC oo war ka soo saaray talaabo ay qaaday heyadda MSF

Caydiid Ali

Cabsi Amni oo ka taagan Muqdisho iyo Shaqaalaha Dowlada qaarkood oo Walaacsan !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---