Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Amniga oo si adag uga hadlay ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne

Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa si adag uga hadlay ciidamada isugu jira milatariga iyo booliiska sida gaarka ah u tababaran ee la geeyay magaalada Baladweyne oo ay ka jirto xiisad sidoo kale lagu wado in ay ka dhacdo doorashada gollaha shacabka.

Wareysi uu bixiyay wasiirka ayuu ku sheegay in maamulka Hirshabelle aysan ka codsan xukuumadda in ciidamo loo soo diro, waxa uuna xusay in qalad weyn tahay in maamul goboleedyada ciidamada ka codsadaan taliyaasha iyada oon lasoo marin madaxda sare.

“Ma aha in Madaxda maamul goboleedyada ay ka codsadaan taliyaasha ciidamada askar waxa ay tahay wadada saxda ah inay la soo xiriiraan ra’iisul wasaaraha kadib ayuu wasiirka gaashaandhigga kala hadlayaa arrimaha ciidamada.”ayuu yiri wasiirka

Wasiirka amniga ayaa sheegay in masuuliyad ay dalka ka saaran tahay, waxa uuna xusay in ay socdaan qorshayaal ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne looga soo saarayo dibna loogu celinayo xeryihii ay ka baxeen .

Waxa uu sheegay wasiirka in shaki ka qaadeen sida dhaqsiyaha badan ee ciidamada loogu daadgureeyay magaalada Baladweyne, waxa uuna xusay marka ciidan magaalo kale loo qaadayo loo baahan yahay in la diyaariyo miisaaniyad iyo sahay iyo saanad intaba.

“Dowlada waxaa ku culus in si dhaqso ah ciidamo loogu daadgureeyo magaalo kale waxna ay qaadataa muddo si sahaydooda iyo miisaaniyaa ku baxayso loo diyaarin lahaa hase yeeshee,ciidanka la geeyay Beledweyne miisaaniyadii loogu talogalay iyo sahaydii ciidamada ay xaqa u lahaayeen lagama dalban wasaaradaha ku howsha leh sidaa ayaana keenay shakiga.”ayuu yiri wasiirka amniga.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xlli shirkii gollaha wasiirada maanta looga soo horjeestay ciidamada la geeyay Baladweyne laguna baaqay in ciidankan dib looga saaro halkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=1zi1gyXqbfM&t=117s

Related posts

Meydka Sargaal Kenyan ah oo la tuhmayo in ay dileen Al Shabaab oo la helay

Cabdi Cade

RW Rooble oo Wasiir cusub u Magacaabay Wasaarada shaqada & arrimaha bulshada

Caydiid Ali

Ganacsade lagu dilay Baladweyne iyo mid kamid ah ragii dilay oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---