Allbanaadir.com
NEWS

Rooble oo guddi u magacaabay dib u soo celinta Ciidankii la geeyay Baladweyne (Magacyada) .

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi wasiiro ah oo ka shaqeeya xallinta xiisada ka taagan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddigan wasiirada ah uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale ka shaqeenaya sidii magaalada Baladweyne looga soo celin lahaa ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee shalay diyaaradaha lagu geeyay.

Guddiga wasiirada ee la magacaabay ayaa kala ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, Guddoomiye.
Md Cabdulaahi Maxamed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha
Md Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhiga.
Md Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga
Marwo Fowziya Maxamed Abiikar, wasiirka Caafimaadka.
Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
 
Ciidamada shalay loo daadgureeyay magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in ay ka dambeesay Villa Soomaaliya, waxaana ciidamadan la sheegay in loogu tala galay in lagu boobo doorashada kuraasta Baladweyne lagu dooranayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=1zi1gyXqbfM&t=117s

Related posts

Xildhibaano raadinaya xilal Wasiir oo buux dhaafiyey Madaxtooyada Soomaaliya

Caydiid Ali

Dad lala xiriiriyay qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo gacanta lagu dhigay 

Cabdi Cade

Qoraal muujinaya in Golaha Shacabka Mudo kordhin sameesanayaan oo Xildhibaanada loo qeybiyay (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---