Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ciidamada Danab oo gubay Guryo iyo gaari ay lahaayeen Al Shabaab (Sawirro)

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano dhoor ah oo hoostaga degmada Balcad waxa ay ku dileen dagaalyahano  katirsan Al Shabaab, waxa ay sidoo kale ku gubeen xarumo iyo gaari ay lahaayeen Al Shabaab.

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Danab oo howlgal gaar ah ka fuliyay deegaanada Xawaadleey, Shanloow Jameco, Yaaqle, Dhagaxoow ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumandooska Danab Gashanle dhexe, Axmed Cabdillaahi Nuur Beeryare, ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in howlgalka ay fuliyeen ay ku dileen 15-xubnood oo katirsan Al Shabaab oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahano.

Waxa uuna xusay in ciidamada Danab inta ay howlgalka ku jireen ay bur buriyeen oo gubeen goobo uu sheegay in maxkamaddo u ahaayeen iyo goobo kale oo lacago uga qaadi jireen dadka deegaanka.

Taliska ciidamada kumaandooska ee Danab ayaa shaaciyay in ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab gaar ahaan kuwa ku sugan gobolada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhaxe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Israel oo xabsiga ka sii deyneysa 620 reer Falastiin ah ka dib Markii..

Caydiid Ali

Aragtida Siyaasadeed ee Musharaxa Madaxweynaha Somalia Dr. Saciid Ciise 2021

Caydiid Ali

Nin lagu helay inuu u gefay Nebi Max’ed NNKH oo xukun dil ah lagu riday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---