Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Ciidanka dowlada oo gacanta ku dhigay Waxyaabaha qarxa oo la diyaariyay (Sawirro)

Ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen deegaano hoostaga magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel waxa ay kusoo qabteen miinooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa oo la galiyay hareeraha wadooyinka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamada intii ay howlgalka ku jireen ugu suurto gashay in ay soo saaraan miinooyin dhoor ah oo Al Shabaab ku aaseen wadooyinka si ay waxyeelo ugu geestaan.

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalo ciidamada kawadeen deegaano katirsan gobolka Galgaduud ku dileen xubno katirsan Al Shabaab sidoo kale ku fashiyeen qaraxyo iyo weeraro ay kooxdaasi diyaariyeen.

Al Shabaab ayaa weeraro ka geesata deegaano hoostaga degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, waxa ayna Al Shabaab sidoo kale marar badan qaraxyo hareeraha wadooyinka lagu aasay la beegsadeen ciidamo katirsan kuwa dowlada iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=hPbxmQlyF4k&t=12s

Related posts

Shir lagu soo bandhigayay qorshaha Wada-xaajoodka iyo kahor taga Saboolnimada oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamo itoobiyaan ah oo ka baxay gudaha Somalia iyo soo dhaweyn loo sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

(Akhriso) Liiska Musharaxiinta rasmiga ah ee Madaxweynaha Puntland oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---