Allbanaadir.com
JUBALANDNEWSSOUTH WEST

Wasiir katirsan Koonfur Galbeed oo Kursi Xildhibaan loogu doortay Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa saakay ka socota doorashada xildhibaano kamid noqonaya golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed Eelaay ayaa loo doortay in uu kamid noqdo gollaha shacabka, kadib markii uu ku guuleestay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo.

Kursiga summadiisu tahay HOP126 oo uu horay ugu fadhiyay Maxamed Xasan Idiris Ganeey ayaa waxaa kusoo baxay Xasan Eeley oo helay 74-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdiraxmaan Macalin Xuseen helay  21 cod.

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa horey ugu heshiiyay in ay kala bedeshaan kuraas kala taala labada maamul , waxaana horey Baydhabo loogu doortay xubno uu watay Axmed Madoobe .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=hPbxmQlyF4k

Related posts

Xisbullah oo la soo baxday gantaalo cabsi ku abuuray Israel

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo soo saaray Digniin ku socota shacabka Muqdisho

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo si dabacsan uga jawaabtay Hadalkii Madaxweynaha Uganda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---