Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Doorashooyinka iyo Beesha Caalamka oo kulan muhiim ah yeeshay

Guddomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal iyo xubno katirsan guddigaasi ayaa kullan la qaatay wakiilo katirsan beesha caalamka, waxa ayna kullanka uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka ayaa warbixin ka siiyay wakiilada beesha caalamka halka ay marayaan iyo sida ay xilligaan ku socdaan doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socota qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka iyo caasimadda Muqdisho.

Wakiilada beesha caalamka ayaana boggaadiyay shaqada guddiga doorashooyinka, waxa ayna u sheegeen muhiimada ay leedahay in doorashada kusoo dhammaato waqtigii lagu heshiiyay lagana shaqeeyo dardargelinta doorashada.

Waxa ay sidoo kale wakiilada beesha caalamka kala hadleen guddiga doorashada in laga shaqeeyo in doorashada noqoto  mid hufan, waxa ayna ka digeen in doorashada la musuq maasuqo loona diido musharaxiinta tartameysa.

Doorashada xldhibaanada gollaha shacabka ee mar kale dib u bilaabatay ayaa u muuqata mid aan ka marneen musuq maasuq, waxaana inta badan xubnihii la doortay ahaayeen kuwa la watay oo kuraasta loo xiray lana tartameen xubno maslxiis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=hPbxmQlyF4k

Related posts

Kenya oo War ka soo saartay dayuurad milateri oo kaga burburtay Dhoobley

Caydiid Ali

Faahfaahino ka soo baxaya qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Afgooye & Khasaaraha ka dhashay

Caydiid Ali

RW Hore oo ka waramay guusha laga gaaray dagaalka Al-shabaab, kuna baaqay ha arrin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---