Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Tababar usoo xiray dufcadii shanaad oo ka tirsan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Ciidamadan oo si gaar ah loo tababaray ayaa mudo bilooyin ah ku xareesnaa xero ciidan oo kuttaala Magaalada Baydhabo, waxaana ciidankan tababarka siinayay saraakiil katirsan howlgalka AMISOM isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib.
Munaasabad tababarka loogu soo xirayay ciidankan oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa qaar kamid ah ciidamada waxa ay kusoo bandhigeen dhoolotusyo cajiib ah ay ku jireen dab ka bood iyo kuwa kale oo raali galiyay dadkii munaasabada joogay.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo tababarka soo xiray ayaa kula dardaarmjay ciidamada in ay ku shaqeeyaan sharciyada iyo nidaamka la baray kana fogaadaan dhibaateynta shacabka ay cadawga ka ilaalinayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
https://m.youtube.com/watch?v=j2uy6jGAoS4&t=23s