Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya mudane Abiy Axmed iyo Wafdi balaaran uu hogaaminayay ayaa saakay gaaray magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Abiy iyo Wafdiga la socday waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad degaanka  Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale, kuwaa oo uga hortagay garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya iyo xubnaha la socda waxa ay booqan doonaan meelaha ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka iyo dib u eegista hawlaha gargaarka bini’aadantinimo ee halkaasi ka socda.

Waxaa sidoo kale  Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed inta uu joogo dowlad deegaanka Soomaalida uu la kulmi doonaa Madaxda Maamulada dowlad degaanka, isaga oo kala hadli doona sida loo wajahayo abaaraha kajira degaanka.

Madaxda Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa ka codsaday  Ra’iisul Wasaare Abiy in uu yimaado Magaalada jigjiga si uu ugu kuur galo warbixina looga siiyo xaalada abaareed ee xiloigan ka jira gobolo katirsan dowlad deegaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=wodE3OIHo6w

Related posts

Golaha Wasiiradda Puntland oo ansixiyay miisaaniyadda maamulka ee lixda bilood ee soo socota (Sawirro)

Cabdi Cade

Nabadoon caan ah oo saaka lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay bulshada ku dhaqan Balcad (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---