Allbanaadir.com
NEWS

Sadex Xildhibaan oo Saacad gudahood lagu doortay Muqdisho (Akhriso Magacyada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday doorashada xildhibaano katirsan gollaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa matalaya gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka dhacday xeradda Afisiyooni ayaa ahaa kuwa aan xamaasad laheyn oo lasii ogaa natiijada kasoo baxeysa, waxaana doorashada saddex Xildhibaan ku dhacday saacad gudahood kadib markii loo tanaasulay.

Kursiga ugu horeeyay ee tirsigiisu ahaa HOP247 waxaa ku guuleesatay Khadra Maxamed tukaale kadib markii ay doorashada ka tanaasushay musharaxii malxiis ahaan u wadatay ee Filsan Jaamac Cismaan.

Doorashada labaad ee kursiga sumaddiisu tahay HOP215, waxaa ku guuleestay Ayuub Ismaaciil Yuusuf oo horey Senator u ahaa, kadib markii uu u tanaasulay musharaxii la tartamayay Axmed Yuusuf Bakaal.

Kursiga saddexaad ee dooarshadiisa ka dhacday saakay magaalada Muqdisho oo sumaddiisu aheyd HOP245, waxaa ku guuleestay Abdiraxmaan Axmed, oo isna u tanaasulay musharaxii la tartami lahaa.

Doorashada xildhibaanada gfollaha shacabka ee ka socota qaar kamid ah gobolada dalka ayaa noqotay mid u badan xulasho oo lasii ogyahay xildhibaanada kusoo baxaya kuwaa oo horey usii qortay musharaxiin malxiis ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=wodE3OIHo6w

Related posts

Tirada Shabaabka Weeraray xarunta Gobolka Banaadir oo la ogaaday iyo Rasaas wali socota

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Shaacisay tirada askarta ay ku dileen Qaraxii saakay ka Dhacay Muqdisho

admin

Ma dhab baa in Madaxda maamulka Jubbaland ay wadahadal la fureen DF?

admin
Taboola Ads ---