Ciidamada ammaanka ayaa howlgal gaar ah ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay kusoo xireen hooyo labo gabdhood oo ay dhashay siisay maandooriyaha loo yaqaan shiishada kadibna muuqaal ka duubtay.
Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyay muuqaal ay hooyadan kasoo duubtay labo gabar yar yar oo ay dhashay oo cabaya shiishad lagu daray xashiish, waxaana muuqaalkan caro ka muujiyay dadkii daawaday oo ku baaqay in lasoo qabto hooyadan caruurtaasi.
Ciidamada ammaanka ayaana ku guuleestay in ay helaan xogta hooyadan iyo halka ay degan tahay, waxa ayna xabsiga dhigeen hooyada gabdhaheeda siisay shiishada kadibna muuqaalka argagaxa lahaa ka duubtay.
Guddomiye kuxigeenka amniga maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare ayaa u mahadceliyay dadkii xogta hooyadan lasoo wadaagay laamaha amaanka, waxa uuna sheegay in hooyadan loo gudbin doono hay’addaha ku shaqada leh si ay tallaabo uga qaadaan.
Muuqaalka labadan gabdhood oo shiishada dhuuqaya kadibna heesaya ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa noqday mid si weyn looga falceliyay laguna dhaleeceeyay hooyadii falkaasi argagaxa lahaa ku kacday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com