Kadib weerarkii Xuutiyiinta ee Imaaraadka, suurtagal ma aha in ay Xuutiyiinta ku sii doodaan in ay doonayaan in ay nabad iyo wada-noolaasho la qeybsadaan xoogaga wadaniyiinta ah ee dalka Yemen, iyo in ay si caqli ku jiro ula dhaqmaan wadamada gobolka dhaca, iyo in ay ixtiraam u hayaan qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah ee saldhiga u ah xiriirka dalalka caalamka.
Diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Xuutiyiinta u direen Abu-dubia oo la rumeysan yahay in ay fariin ugu dirayeen wadamo gobolka iyo caalamka ah oo saameyn ku leh Yemen, waxay Xuutiyiinta u celisay “Godkii Marwaan” oo ah halkii uu ka soo baxay asaasihii Jamaacada Xuutiyiinta.
Weerarkaas waxa uu keenay in ay meesha ka baxaan guulihii ay gaareen Xuutiyiinta sanadihii la soo dhaafay, taas oo siisay tixgelinta dalalka qaar ay kula macaamilaan in ay yihiin awood aan la inkiri karin.Haddaba maxaa sabab u ah in Xuutiyiinta ay qaadaan talaabadaas qar-iska tuurnimada ah? Waxaa sabab u ahaa guul-darooyinka ay dhowaan kala kulmeen gobolka Shabwa iyo qeybo ka mid ah Ma’rib, taas oo ay u geysteen ciidamada Camaaliqada Koonfureed ee ay taageerto dowladda Imaaradka Carabta.
Xuutiyiinta ayaa waxa laga qabsaday wax aan ka badneyn 10 maalin dhulbalaaran oo lagu qiyaasi karo shan kun oo kilometer, taas oo khubarada dhinaca ciidamada ku tilmaameen guuldaro aad u daran. Dhulka laga qabsaday Xuutiyiinta waxa ka mid ah degmooyinka( Casilaan, Biixaan iyo Ceyn) oo dhaca gobolka Shabwa iyo degmada Xareeb iyo goobo kale oo dhaca gobolka Ma’rib.
Guuldarooyinkaas waxa ay saameyn taban ku yeelatay hammiga dagaalyahanada Xuutiyiinta, waxayna keentay in Xarakada Xuutiyiinta ay dhibaato kala kulmeyso in ay dagaalyahano dheeraad ah ay ku ku diyaariso, si ay u daboolaan baahida sii kordheysa ee ka heysa dhinaca furimaha dagaalka.
Guuladarooyinkaas ku dhacay Xuutiyiinta oo saameyn ku yeelatay madaxda Xarakada iyo wadanka taageera, ayaa keentay ay qaataan goáanka ah in ay diyaarado bam lagu xiray ku weeraraan magaalada Abu-dubai, iyagoo u maleynaya in ay saameyn dhinaca niyada ah iyo mid dhinaca dacaayada ah ay u sameyneyso Xarakada.
Haddaba ma heshay Xarakada wixii ay doonayeen?Dhacdooyinkii xigay weerarka Xuutiyiinta ee Abu-dubai waxa ay na tusinayaan in xuutiyiinta ay galeen qalad weyn oo yeelan doono saameyn dhinaca ciidanka iyo dibolomaasiiyada ah oo ay ku weyn doonaan inta badan guulihii ay horay u gaareen.
Weerarka Xuutiyiinta wax saameyn taban ah oo dhinaca ciidanka iyo dhaqaalahaba kuma yeelan dalka Imaaraadka. Ma jiro wax hoos u dhac ah oo ku yimid duulimaadyada iyo suuqa lacagaha ee dalka Imaaraadka. Sidoo kale wax saameyn taban kuma yeelan dalxiisayaasha imaanaya dalka Imaaraadka,Saameynta taban waxa ay soo gaartay dhinaca Xuutiyiinta.
Dhinaca ciidanka, Isbahaysiga carabta waxa uu fursad u siiyay in ay si adag uga jawaabaan weerarkaas, taas oo ay ku bartil-maameedsanayaan goobaha ay gabaadka ka dhigtaan Xuutiyiinta sida garoonka Sancaa iyo Dekadda Xudeyda.
Hadda waxa suurtagal u ah isbahaysiga carbeed in ay weeraraan goobaha ciidamada ay xuutiyiinta ku leeyihin magaalada Xudeyda, kuwaas oo qeyb ka ah Heshiiska stockholm ee ka hor-istaagayey xoogaga ka soo horjeeda Xuutiyiinta in ay weeraro ku qaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Xuutiyiinta.
Heshiiska Stockholm waxa uu Xuutiyiinta ka badbaadiyey guuldaro dhici lahayd sanadkii 2018, kadib markii ay gaareen daafaha magaalada Xudeyda ciiidamada Calaaliqada Koonfureen iyo ciidamada muqaawada shacbiga ee isbaheysiga la ahayd iyo sidoo kale ciidamad ilaalada Jamhuuriyada ee uu hogaaminayey Jeneral Dhariq Saalax.
Diyaaradaha dagaalka ee Isbaheysiga carabta waxa ay ku dileen duqeymahoodii ugu dambeeyay hogaamiyayaal badan oo ka tirsan Xuutiyiinta sida; Jeneral Cabdullahi Al-Juneed oo ah taliyaha kulliyada Diyaaradaha, ahna qofka Kowaad ee mas’uulka ah gantaalada iyo diyaarada aan duuliyaha lahayn ee ay xuutiyiinta ku weerar tagaan.
Dhinaca dibolomasiyada, Taageerada caalamiga ah ee ay heylshay dowladda Imaaraadka, iyo cambaareynta balaaran ee caalamka kala hortagay weerarka xuutiyiinta, waxa ay na tuseysaa in xuutiyiinta ay ku fashilmeen in badan oo ka mid ah qiimihii ay ka filayeen weerarkaas.
Xitaa dalalka iyo Hay’adaha taageerayay Xuutiyiinta iygaoo marmarsiiyo uga dhiganayey dhinaca bani’aadanimada waxa ay ku biireen cambaareynta caalamiga ah iyo taageerada caalamiga ah ee loo muujiyay dalka Imaaraadka.
Dhacdooyinka ka dhashay weerarka Xuutiyiinta ee Imaaraadka ee saameynta taban ku yeelatay mustaqbalka Jamaacada ayaa waxaa ka mid ah hadalkii ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo ku sheegay in ay suurtagal tahay in Xuutiyiinta dib loogu celiyo liiska argagaxisada.
Falanqeeyayasha waxay ku doodi karaan in xaalka uusan ahaandoonin sida uu haa ka hor weerarkii Xuutiyiinta ee Abu-dubai, maalmaha so socdana ay dhici doonaan dhacdooyin gaar ah oo Jamaacada Xuutiyiinta u celin doona sida ay ahaayeen ka hor 2014. Xilligaas oo ay ahayd Xarako diineed,siyaasada ku jirta, ujeedada loo asaasayna ay ahayd in ay ilaaliso jiritaanka dadka taabacsan Mad-Habkeeda iyo xuquuqda dadka ka tirsan ee ku qoran dastuurka dalka Yemen, kuwaas oo la jaanqaadaya qawaaniinta iyo heshiisyada caalamiga ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com