Wiil yar oo 8-sano jir ah una dhashay dalka Biljamka ayaa dhameestay dugsiga sare, waxa uuna wiilkan yar hada isku diyaarinayaa sidii uu ugu biiri lahaa mid kamid ah Jaamacadaha dalka Biljamka.
Laurent Simons ayaa dugsiga hoose ilaa sare kusoo dhameeyay mudo hal sano iyo bar ah, waxa uuna wiilkan layaabka leh hada ku biirayaa Jaamacad uu doonayo in uu iyana si deg deg ah uga qalin jabiyo.
Waalidiinta wiilkan yar ayaa sheegay in wiilkoodu yahay caaqil fahamkiisu sareeyo, waxa ayna tilmaameen in garaadkiisa uu dhanyahay 145 IQ, sidaasna ku timid in uu heer jaamacadeed kusoo gaaro isaga oo 8-sano jir ah.
Wiilka 8-sano jirka ah ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku biiro jaamacad, waxa uuna xusay in maadooyinka uu jeclaa ay ka mid ahaayeen xisaabta uu si aad ah ugu fiicnaa .
Aabaha dhalay wiilkan Maskaxda badan ayaa sheegay in uu rajaynayay in uu noqdo dhaqtar qalliinka ku taqasusa, balse uu hadda doonayo in uu noqdo wiilkiisa seeynisyahan xagga kumbutuurataadka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com