Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga doorashooyinka hee Federaal oo caqabadaha heesta kala hadlay Kate Foster

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal Mudane Muuse Geelle Yuusuf oo ay weheliyaan xubno katirsan guddigaasi ayaa kulan la qaatay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya Kate Foster.
 
Guddoomiye Muuse Geelle iyo xubnaha la socday ayaa Amb Mrs Kate waxa ay ka wada hadleen doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee dalka ka socota iyo caqabadaha ku gaddaaman xiligan.
 
Waxa ayna labada dhinac kulankooda hoosta uga wada xariiqeen muhiimadda ay leedahay in doorashado u dhacdo si hufan oo lagu kalsoonaan karo sidoo kale lagu dhameestiro xiligii loo qorsheeayay.
 
Doorashada xildhibaanada gollaha shacabka ee ka socota qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo Muqdisho ayaa wali la sheegayaa in uu hareeyay musuq maasuq loona diiday musharaxiin dhoor ah in ay u tartamaan kuraasta gollaha shacabka.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamda Qalabka sida ma gudan doonaan waajibaadooda ka saaran dalka, mise ?

Cabdi Cade

Askari Maraykan ah oo xero milateri kala baxsaday gaari gaashaaman (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Suxufi ka hadlay Dhacdo Xasaasi ah oo ka dhacday dalka Iran xabsi la dhigay 

Cabdi Cade
Taboola Ads ---